Amina Mohamed “Haweenka Soomaaliyeed ku keli maaha halgankooda qoondada 30%”

Amina Mohamed, Kuxigeenka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey ayaa caawa xoojisay hadalkii maanta ka soo yeeray James Swan, Wakiilka Qaramada Midoobey ee Somaliya, ee ahaa in la helo qoondada haweenka boqolkiiba soddon (30%) ee Labada Aqal ee Baarlamaanka Somaliya.

Amina Mohamed ayaa sheegtay inaanay haweenka Soomaaliyeed ku keli ahayn xaqiijinta qoondada boqolkiiba soddonka.

Waxay sheegtay inay arrintaasi kala kaashan doonaan Shukriya Cabdiraxman Diini iyo dadka kale ee Soomaaliyeed, ee ku baaqaya in qoondada haweenka la gaarsiiyo soddon boqolkiiba.

Shukriya Cabdiraxman Diini ayaa ka mid ahayd Guddigii Khuburada ee Dowladdii Madaxweyne Shariif Sheekh Axmed u xilsaartay diyaarinta Dastuurka Qabyo Qoraalka, bishii September ee sanadkii 2011.

“Haweenka Soomaaliyeed keligood kuma eka halgankooda ku aaddan sinnaanta jinsiga iyo ka qaybgalka siman ee siyaasadda.” Ayay tiri Amina Mohamed oo warkan ku sheegtay barteeda xiriirka bulshada.

Waxa kaloo ay tiri “Waxaan arrintaasi kala kaashanaynaa Shukriya Diini iyo dhammaan walaalahayaga Soomaaliyeed, ee weli ku baaqaya in la gaarsiiyo qoondada haweenka 30% ee doorashooyinka soo socda.”

Ra’iisal Wasaaraha Somaliya, Maxamed Xuseen Rooble oo horaan sheegay inay ka go’an tahay xaqiijinta qoondada haweenka ayaa 25-kii bishii July ee sanadkan magacaabay guddi ka kooban 13 xubnood, oo loogu magac-daray guddiga xaqiijinta ee qoondada haweenka. Guddigan ayaa waxaa Gudoomiye u ah Batuulo Sheekh Axmed Gaballe, oo sidoo kale ah Gudoomiyaha Ururka Haweenka Qaranka.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com