Lix ka mida ah kuraasta kow iyo tobanka xubnood ee Gobolada Waqooyi metelka ugu leeyihiin Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Somaliya ayaa maanta lagu doortay Magaalada Muqdisho, iyadoona ay wax dooranayeen Salaadiin iyo Ergo la soo xulay.
Gelinkii dambe ee maanta ayaa Xerada Afisyooni lagu soo geba-gabeeyay wejiga 1aad ee Doorashada Senatorada Aqalka Sare ee ka soo jeeda Somaliland.
Kursiga 1aad ayaa waxaa ku soo baxay Cabdi Xaashi Cabdullaahi, Gudoomiyihii hore ee Aqalka Sare, ka dib markii musharaxii la tartamayay uu bilowgiiba isaga haray doorashada.
Saalax Axmed Jaamac, Wasiirka Dastuurka Somaliya ayaa tartanka doorashada kaga adkaaday Gudoomiyihii hore ee Maxkamadda Sare Dalka, Ibraahim Iidle Saleebaan.

Wasiirka Warfaafinta Somaliya, Cismaan Abokar Dubbe ayaa ka mid noqday lixda Senator ee maanta lagu doortay Xerada Afisyooni.
Senator Leylo Axmed Ismaaciil oo horey uga tirsaneyd Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Somaliya ayaa difaacatay kursigii ay ku fadhisay, ka dib markii uu u tanaasulay musharax Maxamed Maxamuud Cabdi.
Bilaal Idiris Cabdullaahi ayaa ka mid noqday musharaxiinta maanta lagu doortay Caasimadda Muqdisho, ka dib markii uu tartanka kaga adkaaday haweeney lagu magacaabo Saynab Axmed Boqore
Kursiga ugu adag ee aadka loogu tartamay ayaa noqday midkii ay ku tartamayeen labada aqoonyahan ee kala ah Prof. Cabdi Ismaaciil Samatar iyo Prof. Maxamed Maxamuud Allabari, iyadoo Prof. Samatar uu doorashada ku guuleystay wareeggii 2aad ee leesla aaday.
Khamiista berrito ayaa lagu wadaa in lagu tartamo shanta kursi ee kale. 46 xubnood oo isugu jira 23 Suldaan iyo 23 Ergo ayaana dooran doona xubnaha harsan.
Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com