Salaadiin iyo Ergo la soo xulay ayaa maanta Magaalada Muqdisho ku doortay shantii kursi ee ka harsaneyd kuraasta Senatorada Aqalka Sare ee Gobolada Waqooyi.

Senatorada maanta lagu doortay Xerada Afisyooni ayaa kala ah Deeqa Xasan Xuseen, Axmed Maxamed Siciid, Naciima Xasan Xaaji, Saciid Cabdi Xasan Cowke iyo Axmed Ibraahim Maxamed Qorane.
Salaadiinta iyo Ergadan ayaa shalay Xerada Afisyooni ku doortay lix Senator oo kale, taasoo ka dhigan inay wada doorteen kow iyo tobankii xubnood ee Somaliland ku metelayay Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Somaliya.
Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com