Muqdisho oo maanta lagu dooranayo shan Senator

Waxaa maanta lagu wadaa in Magaalada Muqdisho lagu doorto shanta kursi ee ka harsan Senatorada Gobolada Waqooyi ku metelaya Aqalka Sare ee Baarlamaanka Somaliya.

Arbacadii shalay ayaa Xerada Afisyooni lagu doortay 6 Senator, oo isugu jira xubno dib loo soo doortay iyo kuwo kale oo ku cusub Aqalka Sare.

Laba ka mida kuraasta maanta lagu tartami doono ayaa waxaa loo xiray haween oo keliya. Xubnaha musharaxiintan waxaa ka mid ah Muno Cumar Xasan oo mar kale u tartamaysa Aqalka Sare.

Doorashada Senatorada Gobolada Waqooyi ayaa ka duwan doorashooyinka kale ee lagu qabanayo Dowlad Goboleedyada, marka aad eegto in Senatorada Somaliland ay dooranayan salaadiin iyo ergo la soo xulay, halka Senatorada lagu dooranayo Dowlad Goboleedyada ay dooranayan Xildhibaanada Golaha Wakiilada ee maamuladaasi.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com