Rooble & Swan oo mijo-baxsi u tagay Xeebta Xalane (SAWIRRO)

Ra’iisal Wasaaraha Somaliya, Maxamed Xuseen Rooble iyo Wakiilka Qaramada Midoobey u qaabilsan dalka, James Swan ayaa galabta lugo baxsi u tagay Xeebta Xalane ee Magaalada Muqdisho.

Afhayeenka Xukuumadda, Maxamed Ibraahim Macalimuu ayaa ujeedka mijo-baxsigan ku sheegay guushii laga gaaray Doorashada Aqalka Sare ee Gobolada Waqooyi, oo maanta lagu soo geba-gabeeyay Caasimadda Muqdisho.

Macalimuu ayaa yiri “Ra’iisal Wasaare Rooble iyo Ergeyga Qaramada Midoobey ee Somaliya, James Swan ayaa galabta socod minjo baxsi ah waqti dheer “Passeggiata“ ku Lugeeyay Xeebta Xalane. Ujeedka koobaad waxa uu ahaa guushii dhameystirka Aqalka Sare ee Somaliland oo maanta soo idlaatay.”

Ra’iisal Wasaaraha oo hogaaminaya doorashada dalka ay u sii aalamiinteyda hirgalinta doorashada Gollaha Shacabka oo Eebe idinkii uu rajeynayo inuu nabad ku soo gabagaboobo inshallah. Waxana isaga oo Allah talo saaranaya uu la kashanayaa Gollaha Wadatashiga Qaran , Musharaxiinta iyo Guud ahaan Shacabka Soomaaliyeed.”

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com