Beesha Caalamka oo war cusub ka soo saartay khilaafka Madaxda Dowladda Federaalka

Beesha Caalamka ayaa galabta war kale ka soo saartay khilaafka Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo kala dhaxeeya Ra’iisal Wasaare Maxamed Xuseen Rooble.

Beesha Caalamka ayaa ku baaqday inay Madaxda Qaranka sii wadaan dadaalada dhexdhexaadinta ah, ee lagu xalinayo khilaafaadka dhexdooda ah.

Warka Beesha Caalamka ayaa u qornaa “Saaxiibada caalamiga ah ee Somaliya waxay ku baaqayaan in Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Ra’iisal Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ay sii wadaan dadaalada dhexdhexaadinta ah ee lagu xallinayo khilaafaadka lagu muujiyay isweydaarsigooda warbixinada ee 16-kii September, 2021.

Saaxiibadu waxay weli ka welwelsan yihiin in arrimaha asaasiga ah aan la xallin, in kasta oo in ka badan laba toddobaad ay jireen dadaalo dhexdhexaadin ah.

Hubaal la’aantaan siyaasadeed ee socota ayaa sii kordhisay halista dib-u-dhac kale oo ku yimaada geeddi-socodka doorashada, waxayna horseeday jahwareer ka dhashay Hoggaanka Wasaaradda Amniga Gudaha iyo Hay’adda Sirdoonka & Nabad Sugidda Qaranka (NISA), kuwaas oo waxtarkoodu muhiim u yahay la-dagaalanka Al Shabaab iyo ilaalinta xaaladda nabadgelyo ee dalka.

Saaxiibada caalamku waxay ku boorinayaan Madaxweynaha iyo Ra’iisal Wasaaraha inay sida ugu dhakhsaha badan u gaaraan heshiis, si ay diiradda u saaraan hirgelinta heshiisyada doorashada 17-kii September, 2020, 27-kii May, 2021 iyo inay hubiyaan in hay’adaha amniga ee muhiimka ah (Wasaaradda Amniga Gudaha iyo NISA) ay madax u yihiin hoggaamiyeyaal awood u leh oo la qadariyo, gaar ahaan xilliga doorashada.”

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com