Dad ka soo jeeda Goboloda Koonfurta oo laga tarxiilay Laascaanood

Somaliland ayaa maanta Magaalada Laascaanood ee Xarunta Gobolka Sool ka musaafurisay toddobo boqol oo qof oo ka soo jeeda Gobolada Koonfurta Somaliya.

Dadkan oo xalay laga qabqabtay gudaha magaalada ayaa la isugu geeyay Garoonka Cabdi Bille Cabdi, halkaasoo maanta lagaga qaaday gaadiidka xamuulka oo gayn doona Gobolka Mudug.

Dadkan ayaa isugu jiray ganacsato, haween, carruur iyo ciroolaba, waxaana soo baxaya warar sheegaya in lagu eedeeyay amni darrada in muddo ahba ku soo badaneysay magaaladaasi.

Maamulka Gobolka Sool, kan degmada iyo Saraakiisha hay’adaha amniga ayaan weli ka hadlin baahida keentay in dadkaasi laga musaafuriyo magaalada, balse go’aankan ayaa ahaa mid ka soo baxay Guddi Wasiiro ah, oo Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi uu u magacaabay inay baaritaan ku soo sameeyaan falalka amniga liddiga ku ah ee ku soo noqnoqday magaaladaasi.

Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland, Maxamed Kaahin Axmed oo horkacayo guddigaasi ayaa dhawaan gaaray Magaalada Laascaanood.

Wariye-yaasha ayaa soo sheegaya inaanay jirin wax digniino ah oo horey loo siiyay dadkaasi, magaaladana laga musaafuriyay iyagoo aan wax alaabo ahi wadan. Dadkan ayaana labaatankii sano ee ugu dambeysay deganaa magaaladaasi.

Tani oo noqonayso markii ugu horeysay oo dad ka soo jeeda Gobolada Koonfurta laga musaafuriyo Magaalada Laascaanood ayaa waxay hadalhayn badan ka dhex dhalisay dadka deegaanka.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com