Dagaal-yahanada Ahlu Sunna oo laba jiho ka kulaalaya Dhuusamareeb

Wararka ka imaanaya Gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in Xoogaga Ahlu Sunna ay ku sii siqayaan Magaalada Dhuusamareeb, maalin ka dib markii ay la wareegeen gacan ku haynta Magaalada Guriceel.

Xoogaga Ahlu Sunna ayaa gaaray deegaanka Ceeldheere, oo qiyaastii 30km u jirta Xarunta Maamulka Galmudug ee Dhuusamareeb.

Dadka deegaanka ayaa sheegay in Ciidamadii Galmudug ee deegaankaasi ku sugnaa ay u ruqaansadeen dhinaca Magaalada Dhuusamareeb.

Xoogag kale oo kuwa Ahlu Sunna ah ayaa la soo sheegaya in Magaalada Dhuusamareeb ay kaga soo siqayaan dhinaca deegaanka Bohol, oo dhanka waqooyi kaga beegan magaaladaasi.

Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan oo ka mid ah masuuliyiinta sarsare ee Ahlu Sunnada Gobolada Dhexe ayaa sheegay inay u soo laabteen badbaadada ummadda.

Waxaa uu sheegay inaanay iyagu halis ku ahayn Maamulka Galmudug, balse ay doonayaan in la hagaajiyo nidaamka ka jira Gobolada Dhexe.

Dhuusamareeb waxaa iminka uu shir uga socdaa Madaxda Galmudug, oo ka arrinsanaya xaaladda ku soo korortay gobolka.

Dhanka kale Ciidamada Dowladda iyo kuwa Galmudug ayaa la soo sheegaya in abaabul xoog lihi ay ka wadaan Magaalada Dhuusamareeb, waana xilli Dowladda Federaalka Jimcihii shalay ay ciidamo badani diyaarado ku gaysay magaaladaasi.

Dadka reer Dhuusamareeb ayaa soo sheegaya in xaalad cabsi leh ay maanta ka taagan tahay magaalada.

Lama oga waxa ay ku dambayn doonto xaaladda Galmudug, waxaase isa soo taraya baaqyada loo jeedinayo labada dhinac.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com