Duulimaadyadii Magaalada Guriceel oo hakad-galay

Waxaa gebi ahaanba istaagay duulimaadyadii taggi jiray Magaalada Guriceel ee Gobolka Galgaduud, maalin ka dib markii ay magaaladaasi la wareegeen Xoogaga Ahlu Sunna.

Xoogaga Ahlu Sunna ayaa Jimcihii shalay bilaa dagaal kula wareegay gacan ku haynta magaaladaasi, iyadoona Ciidamadii Galmudug ay noqdeen kuwo isku dhiiba Ahlu Sunna iyo qaar kale oo dhanka Dhuusamareeb aaday.

Sarkaal ka tirsan Shirkadaha Duulimaadyada ayaa sheegay in duulimaadyadii Guriceel loo wareejiyay Garoonka Diyaaradaha Ugaas Nuur ee Magaalada Dhuusamareeb.

Sarkaalkan oo magaciisa ka gaabsaday ayaa sheegay, maadaama ay is bedeshay xaaladda Guriceel in duulimaadyadii rakaabka loo weeciyay dhinaca Dhuusamareeb.

Ahlu Sunna ayaa xalay war ay soo saartay ku sheegtay inaanay Garoonka Guriceel ka soo deggi karin diyaaradaha hubka iyo ciidamadaba sida.

Ciidamada Galmudug oo gacan ka helaya kuwa Dowladda Federaalka ayaa bishii November ee sanadkii 2019 la wareegay gacan ku haynta Magaalada Guriceel, billo yar uun ka dib, markii Ciidamadii Ahlu Sunna lagu biiriyay Ciidanka Xoogga Dalka ee Qaybta 21aad.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com