Ra’iisal Wasaaraha Somaliya, Maxamed Xuseen Rooble ayaa galabta kulan looga hadlayay u diyaargarowga Doorashada Xildhibaanada Golaha Shacabka waxa uu la qaatay Guddiga Amniga Doorashooyinka.
Guddiga Amniga Doorashooyinka ayaa isugu jira Taliyeyaasha Booliiska Heer Fedaraal iyo Heer Dowlad Goboleed, Booliska AMISOM iyo Booliska Qaramada Midoobey oo ka taageera dhinacyada farsamada.
War ka soo baxay Xafiiska Rooble ayaa lagu yiri “Ra’iisal Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Somaliya, Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa kulan looga hadlayay u diyaargarowga sugidda amniga Doorashada Xildhibaanada Golaha Shacabka la qaatay Guddiga Amniga Doorashooyinka, kuwaas oo isugu jira Taliyeyaasha Booliiska Heer Fedaraal iyo Heer Dowlad Goboleed, Booliska AMISOM iyo Booliska UN-ka oo ka taageera dhinacyada farsamada.
Ra’iisal Wasaaraha ayaa uga mahadceliyay Guddiga Amniga Doorashooyinka, sidii ay uga qayb qaateen sugidda amniga doorashooyinkii Aqalka Sare, isagoo kula dardaarmay in ay sii wadaan dadaalkooda wadajirka ah ee ku aaddan sugidda ammaanka ergooyinka iyo dhinacyada ku howlan hirgelinta doorashada.”






Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com