Rooble oo qaabilay Siyaasiyiinta Somaliland & Guddiga Doorashada (SAWIRRO)

Ra’iisal Wasaaraha Somaliya, Maxamed Xuseen Rooble ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Gudoomiye Cabdi Xaashi Cabdullaahi, Ra’iisal Wasaare Kuxigeenka Dalka, Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar) iyo Guddiga Doorashooyinka Gobolada Waqooyi.

Dhinacyadan ayaa ka wada hadlay dardargelinta iyo u diyaargrowga doorashada kuraasta Golaha Shacabka ee Gobolada Waqooyi, sida lagu sheegay war ka soo baxay Xafiiska Ra’iisal Wasaaraha.

Warka ayaa u qornaa “Ra’iisal Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Somaliya, Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa la kulmay Gudoomiyaha Aqalka Sare ee BFS, Ra’iisal Wasaare Kuxigeenka iyo Guddoonka Guddiga Doorashooyinka Gobolada Woqooyi (Somaliland), oo ay ka wada hadleen dardargelinta iyo u diyaargarowga doorashada kuraasta Golaha Shacabka ee Gobolada Waqooyi.

Ra’iisal Wasaaraha ayaa masuuliyiintan ku bogaadiyay doorkii ay ku lahaayeen in ay si guul ah ku soo dhammaato Doorashada Xildhibaanada Gobolada Waqooyi (Somaliland) ku metelaya Golaha Aqalka Sare ee BFS, halka ay dhankooda uga mahadceliyeen kaalintii wanaagsaneyd ee Ra’iisal Wasaaruhu ka qaatay howshaas.”

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com