Shabaab oo kordhiyay weerarada ay ka gaysanayaan Baydhabo

Maleeshiyada Al Shabaab ayaa u muuqdo kuwo kordhiyay weerarada ay ka gaysanayaan Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay.

Maleeshiyada Al Shabaab ayaa saqdii dhexe ee xalay weeraray kontorool Ciidamada Dowladda ku leeyihiin Wadada Soddonka ee Magaalada Baydhabo, halkaasoo uu labada dhinac ku dhex maray iska horimaad hubka noocyadiisa kala gedisan la’isku adeegsaday.

Ciidamada Dowladda ayaa iska caabiyay maleeshiyadii weerarka soo qaaday, kuwaa oo ay ku khasbeen inay dib ugu laabtaan goobihii ay iska soo abaabuleen. Ciidamada ayaana dabagelin maleeshiyadaasi, xilliga oo habeen ahaa.

Dadka ku dhaqan xaafadaha Mursal iyo Idaada ayaa kuu sheegaya in habeen bar ay hurdada kaga soo baraarugeen sawaxanka qoryaha darandooriga u dhaca iyo gantaalaha garbaha laga tuuro.

Sarkaal ka tirsan Booliska Baydhabo oo codsaday inaanan magaciisa Warbaahinta loo adeegsan ayaa Dhacdo.com u sheegay in weerarku ahaa mid arbushaad ah.

Sarkaalkan ayaa xusay inaanu jirin waxyeelo Ciidamada Dowladda ka soo gaaray weerarkaasi, dhanka Shabaabkuna aanu sheegi karin khasaaraha gaaray.

Gelinkii dambe ee Jimcihii ayay ahayd markii laba askari oo Ciidamada Militariga ka tirsanaa lagu dilay agagaarka kontoroolka ay ciidamada ku leeyihiin halka lagu magacaabo Makuudo.

Sidoo kale khamiistii ayaa laba askari oo kale waxaa lagu dilay Kontoroolka Carro Gaduudda.

Kontoroolada Makuudo iyo Carro Gaduudda ayaa ah kuwo isu dhow, waana kontoroolada dhinaca koonfureed ee laga ilaaliyo amniga Garoonka Diyaaradaha Shaati-gaduud ee Magaalada Baydhabo.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com