Wararkii ugu dambeeyay ismiidaamin ka dhacday Degmada Baardheere

Weerar ismiidaamin ahaa ayaa gelinkii dambe ee maanta ka dhacay Degmada Baardheere ee Gobolka Gedo, iyadoona ay masuuliyadda weerarkaasi sheegatay Al Shabaab.

Mooto bajaaj lagu soo raray walxaha qarxa ayaa lagu dhuftay gaari uu la socday Maareeyaha Garoonka Diyaaradaha ee Baardheere, Jaamac Cali Cabdi (Hire).

Maxamed Aadan oo ka mid ah dadka degan Isgoyska Cakaaro ayaa sheegay in qaraxa uu ka dhacay meel aan sidaas uga fogayn hoyga Maareeyaha.

“Galabtay Maareeyaha oo shaqada ka soo rawaaxay baa waxaa dhacday mooto bajaaj lagu diyaariyay luuqa looga laabo gurigiisa in lagu dhufto gaarigii uu la socday. Meeshaas waxaa ka dhacay qarax aad u xoogan oo sanadahanba aan kaasoo kale ka dhicin magaalada.” Ayuu yiri Maxamed Aadan oo Universaltv la hadlay.

Maxamed ayaa yiri “Waxaan arkay Maareeyihii iyo laba wiil oo ilaalo u ahayd oo dhaawac garaab ah uu ka soo gaaray qaraxa, markiiba waxaa loola cararay goobaha caafimaadka.”

Saraakiisha Ciidamada Dowladda ayaa sheegay in Maareeyaha iyo labada askari ee ilaaladiisa ahayd lagu dabiibayo Isbitaalka AMISOM ku leedahay Garoonka Baardheere.

Isniinta berrito ayaa la fillayaa in dhaawaca Maareeyaha loo qaado Magaalada Muqdisho.

Shabaabka hubeysan ee dalka ka dagaalama ayaa sheegtay masuuliyadda weerarkan ka dhacay Baardheere, sida ay baahisay Idaacadda Andalus oo afka Shabaabka ku hadasha.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com