Abiy Ahmed, Ra’iisal Wasaaraha Itoobiya ayaa maanta mar kale loo dhaariyay xilka, ka dib markii Xisbigiisa Barwaaqo uu ku guuleystay doorashada lagu murmay, ee bishii June ka dhacday dalkaasi.

Abiy Ahmed ayaa loo dhaariyay shanta sano ee soo socoto inuu sii ahaado Ra’iisal Wasaaraha dalkaasi, iyadoona lagu wado inuu dhiso Gole Wasiiro oo cusub.
Ra’iisal Wasaaraha ayaa haatan wajahaya caqabado ay ka mid yihiin dagaalka ka socdo waqooyi dalkaasi iyo xaaladda bani’aadanimo ee ka taagan Gobolka Tigray.
Mareykanka iyo Midowga Yurub ayaa Ra’iisal Wasaare Abiy Ahmed ku cadaadinaya inay xukuumadiisa ogolaato in gargaarka la gaarsiiyo malaayiinta qof ee la sheegay inay macluusha ku wajahayan gobolkaasi.
Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com