Cali Shacbaan Ibraahim oo ku soo baxay kursigii lagu buuqay ee doorashada Jowhar

Cali Shacbaan Ibraahim ayaa wareeggii 3aad ee doorashadii ka dhacday Magaalada Jowhar waxa uu kaga guuleystay Cabdiqaadir Xanafi Sheekh Bashiir.

Doorashadan oo wax ay dooranayeen Xildhibaanada Baarlamaanka Hirshabelle ayuu Cali Shacbaan Ibraahim helay 62 cod, halka Cabdiqaadir Xanafi Sheekh Bashiir uu helay 24 cod.

Kursigan uu ku guuleystay Cali Shacbaan Ibraahim ayaa dib loo dhigay 18-kii bishii September, ka dib markii uu buuq hareeyay.

Cali Shacbaan Ibraahim ayaa noqonayo Senatorkii 7aad ee lagu doorto Magaalada Jowhar ee Xarunta Maamulka Hirshabelle.

Goor dhow waxaa lagu wadaa in Magaalada Jowhar ay ka bilaato doorashada kursigii ugu dambeeyay ee doorashadiisa lagu qabto magaaladaasi.

Kursigan ayaa waxaa u sharaxan Naciimo Ibraahim Yuusuf oo dooneyso inay difaacato, iyadoona ay kula tartamayso Zamzam Cabdullaahi Axmed.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com