Maxkamad ku taala Puntland oo ayidday dil lagu xukumay 8 nin

Maxkamadda Rafcaanka ee Puntland ayaa maanta ayidday dilka horey loogu xukumay sideed nin oo dhallinyaro ah, oo lagu eedeeyay inay ka tirsan yihiin Ururka Al Shabaab iyo inay dilal qorsheysan ka gaysteen Magaalada Gaalkacyo, gaar ahaan qaybta Galmudug.

Maxkamadda Darajada 1aad ee Ciidamada Qalabka Sida Gobolada Mudug & Cayn ee Puntland ayaa xukun dil toogasho ah ku xukuntay dhallinyaradan, 7-dii bishii July ee sanadkan.

Fadhiga Maxkamadda Rafcaanka oo shalay iyo maantaba ka socday Waqooyiga Magaalada Gaalkacyo, laguna dhageysanayay eedeymaha loo haystay raggaasi ayaynaan Maxkamaddu wax ka bedel ku samayn go’aankii horey uga soo baxay Garsoorka Maxkamadda Ciidamada.

Puntland ayaa 27-kii bishii June waxay xukun dil toogasho ahi ku fulisay kow iyo labaatan nin, oo lagu helay inay dilal iyo qaraxyaba ka gaysteen deegaanada Puntland.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com