Ra’iisal Wasaare Rooble oo gaaray dalka Qatar (SAWIRRO)

Ra’iisal Wasaaraha Somaliya, Maxamed Xuseen Rooble iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa caawa gaaray Magaalada Doha ee Xarunta Wadanka Qatar.

Ra’iisal Wasaaraha ayaa la fillayaa inuu berrito bilaabo kulamo rasmi ah oo magaaladaasi uu kula leeyahay madaxda dalkaasi.

Afhayeenka Xukuumadda Somaliya, Maxamed Ibraahim Macalimuu ayaa sheegay in Ra’iisal Wasaaruhu uu masuuliyiinta dalkaasi kala hadli doono xoojinta xiriirka labada dal, arrimaha doorashooyinka dalka iyo horumarka.

“Madaxda Dowladda Qatar waxa uu kala hadli doonnaa xoojinta xiriirka ka dhaxeeya labada dal, doorashooyinka Somaliya iyo horumarka.” Ayuu yiri Macalimuu.

Socdaalka Ra’iisal Wasaare Rooble ee dalkaasi ayaa ku soo aadaya, xilli khilaaf uu kala dhaxeeyo Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo. Warbaahinta ayaana fahamsan in Qatar ay xiriir dhow la leedahay Villa Somalia.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com