Senator Naciimo Ibraahim Yuusuf oo looga adkaaday doorasho hal wareeg ahayd

Zamzam Cabdullaahi Axmed ayaa caawa ku guuleysatay kursigii ugu dambeeyay ee doorashadiisa lagu qabto Magaalada Jowhar ee Xarunta Maamulka Hirshabelle.

Zamzam Cabdullaahi Axmed ayaa 77 cod kaga guuleystay Senator Naciimo Ibraahim Yuusuf, oo horey uga tirsaneyd Senatorada Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka.

Doorashadan oo hal wareeg uun ahayd ayay Naciimo Ibraahim Yuusuf heshay 8 cod oo keliya, waana doorasho ay wax dooranayeen Xildhibaanada Baarlamaanka Hirshabelle.

Zamzam Cabdullaahi waa gabar dhallinyaro ah oo ku cusub siyaasadda dalka.

Xildhibaanada Baarlamaanka Hirshabelle ayaa wada doortay dhammaan sideeddii xubnood ee Hirshabelle ku metelayay Aqalka Sare.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com