Farmaajo oo ka qaybgalay xafladda caleemo-saarka Abiy Ahmed (SAWIRRO)

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Somaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo oo ka qaybgalay Munaasabadda caleemo-saarka Xukuumadda cusub ee Itoobiya ayaa shacabka, Ra’iisal Wasaaraha iyo Xukuumadda cusub ee Itoobiya ugu hambalyeeyay doorashooyinkii guuleystay ee ka dhacay dalkooda.

Madaxweynaha oo khudbad ka jeediyay munaaasabadda caleemo-saarka ayaa soo bandhigay muhiimadda ay leedahay in Dalalka Gobolku ay xoojiyaan iskaashiga, wax-wadaqabsiga, nabad gelyada, ganacsiga iyo xal u helidda masiibooyinka dabiiciga ah, isaga oo Xukuumadda cusub u rajeeyay in ay ka dhabeyso himilada iyo filashooyinka dadkooda.

“Dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed waxay u hambalyeynayaan Ra’iisal Wasaare Abiy Axmed guushii baaxadda lahayd ee uu ka gaaray doorashada, waxaanna u rajaynaynaa Ra’iisal Wasaaraha iyo Xukuumaddiisu in ay horumar gaarsiiyaan shacabkooda iyo dowladdooda.” Ayuu yiri Madaxweyne Farmaajo.

Madaxweyne Farmaajo ayaa shacabka iyo dowladda Itoobiya uga mahadceliyay soo dhoweynta diiran, ee ay u sameeyeen isaga iyo wefdigiisa.

Wafdiga Madaxweynaha ee ka qaybgalay munaasabadda caleemo-saarka Xukuumadda Cusub ee Itoobiya waxaa ka mid ah Wasiirka Wasaaradda Qorshaynta, Jamaal Maxamed Xasan, Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga, Xasan Xuseen Xaaji iyo Agaasime Kuxigeenka Madaxtooyada, Cabdinuur Maxamed Axmed.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com