Macluumaad la xiriira kulanka Rooble uu la qaatay Amiirka Qatar

Ra’iisal Wasaaraha Somaliya, Maxamed Xuseen Rooble ayaa maanta Magaalada Doha kula kulmay Amiirka dalka Qatar, Sheikh Tamim bin Hamad Al Thani.

Afhayeenka Xukuumadda, Maxamed Ibraahim Macalimuu ayaa faah faahiyay waxyaabaha looga hadlay kulanka uu Ra’iisal Wasaaruhu la qaatay Amiirka Qatar.

“Ra’iisal Wasaaraha waxaa uu la kulmay Amiirka dalka Qatar, kaasoo ay ka wada hadleen arrimaha Somaliya, waxa uuna ahaa kulan sharafeed.” Ayuu yiri Afhayeenka

Afhayeenka ayaa yiri “Ra’iisal Wasaaraha waxa uu Amiirka faah faahin ka siiyay doorashada dalka ka socota, horumarada laga sameeyay iyo sida hadda ay xaaladda Somaliya ugu jirto xilli doorasho. Waxa uu uga mahadceliyay guud ahaan dalka Qatar, taageerada ay siiyaan dalka Somaliya iyo mashaariicda horumarineed ay ka fulinayaan, oo ka mid tahay dhismaha wadooyinka.”

Macalimuu ayaa intaa ku daray “Qatar waxay saaxiib muddo la ahayd dalka Somaliya, waxaana jira mashaariic ay muddo dheer soo wadday, oo ay ka mid tahay mashruuca la yiraahdo Qatar Charity, taasoo agoomaha iyo dadka kaloo kala duwan ay ku caawineysay.”

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com