Madaxweynaha Somaliya oo kulan la qaatay dhiggiisa dalka Uganda

Madaxweynaha Somaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa maanta Magaalada Addis Ababa waxa uu kula kulmay Madaxweynaha dalka Uganda, Yoweri Museveni.

Labada Madaxweyne ayaa ka wada hadlay arrimo ay ka mid yihiin gobolka, xiriirka labada dalka iyo iskaashiga dagaalka ka dhanka ah maleeshiyada Al Shabaab.

“Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo dhiggiisa dalka Uganda Mudane Yoweri Museveni oo kulan-doceed ku yeeshay Magaalada Addis Ababa ayaa ka wada hadlay xoojinta xiriirka labada dal ee ku qotama dhinacyada iskaashiga ammiga, dhaqaalaha iyo arrimaha gobolka, iyaga oo xoojiyay iskaashiga dagaalka lagula jiro argagixisada.” Ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay Madaxtooyada Qaranka.

Madaxweyne-yaasha Somaliya iyo Uganda ayaa shalay Magaalada Addis Ababa kaga qaybgalay munaasabad ballaaran oo lagu caleemo-saaray Xukuumadda cusub ee dalka Itoobiya.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com