Madaxweynaha Somaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa soo geba-gabeeyey booqasho laba maalmood qaadatay, oo uu Magaalada Addis Ababa kaga qaybgalay caleemo-saarka Xukuumadda cusub ee Itoobiya.

Madaxweynaha ayaa intii uu ku sugnaa Magaalada Addis Ababa waxaa uu kulan la qaatay Ra’iisal Wasaaraha Itoobiya, Abiy Ahmed, oo uu ugu hambalyeeyay dib-u-doorashadiisa.
Sidoo kale waxa uu shir doceedyo la qaatay madaxdii ka qaybgashay caleemo-saarkaasi, oo uu ka mid ahaa Madaxweynaha Uganda, Yoweri Museveni, oo ay ka wada hadleen xoojinta xiriirka labada dal ee ku qotama dhinacyada iskaashiga ammiga, dhaqaalaha iyo arrimaha gobolka.
Madaxweyne Farmaajo ayaa gelinkii dambe ee maanta dib ugu soo laabtay Magaalada Muqdisho, iyadoona loo gelbiyay Xarunta Madaxtooyada.
Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com