Madaxweyne Farmaajo oo la kulmay Ra’iisal Wasaaraha Itoobiya

Madaxweynaha Somaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo maalintii labaad booqasho ku joogga Magaalada Addis Ababa ayaa maanta kula kulmay Ra’iisal Wasaaraha Itoobiya, Abiy Ahmed.

Labada dhinac ayaa ka wada hadlay arrimaha gobolka xiriirka laba geesoodka ee labada dal iyo dardargelinta dagaalka ka dhanka ah maleeshiyada Al Shabaab.

“Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Somaliya, Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa Magaalada Addis Ababa kulan doceed kula qaatay Ra’iisal Wasaaraha dib loo doortay ee dalka Itoobiya, Mudane Abiy Ahmed, oo ay iska xog wareysteen xaaladda Gobolka Geeska Afrika iyo xiriirka laba geesoodka ah ee labada dal, oo ay saldhig u tahay daris wanaag, isixtiraam iyo xoojinta dagaalka ka dhanka ah argagixisada Al Shabaab.” Ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay Villa Somalia.

Madaxweyne Farmaajo ayaa Isniintii Magaalada Addis Ababa kaga qaybgalay calemo-saarka Ra’iisal Wasaare Abiy Ahmed, oo xilka loo dhaariyay shanta sano ee soo socota.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com