Rooble iyo dhiggiisa Qatar oo si wadajira u guddoomiyay kulan (SAWIRRO)

Ra’iisal Wasaaraha Somaliya, Maxamed Xuseen Rooble iyo dhiggiisa dalka Qatar, Khalid bin Khalifa bin Abdulaziz Al Thani ayaa si wadajira u guddoomiyay kulan ay ka qaybgaleen Wasiirada wafdigiisa ka mid ah iyo dhiggooda dalkaasi, oo maanta ka dhacay Magaalada Caasimadda ah ee Doha.

Afhayeenka Xukuumadda, Maxamed Ibraahim Macalimuu ayaa sheegay in kulankaasi looga hadlay iskaashiga labada dal, arrimaha siyaasadda, dhaqaalaha iyo doorashooyinka Somaliya.

“Waxay uga wada hadleen iskaashiga labada dal, arrimaha siyaasadda, dhaqaalaha iyo doorashooyinka Somaliya.” Ayuu yiri Afhayeenku.

Ra’iisal Wasaare Rooble ayaa xalay gaaray Magaalada Doha, ka dib markii uu casuumaad ka helay dowladda dalkaasi.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com