Milkiilaha shabakadda bulshada ku wada xiriirto ee Facebook ayaa si adag u beeniyay eedeynta loo soo jeediyay Facebook, ee ahayd in faa’iidadeeda ay ka hormarisay badqabka dadka adeegsada.

Mark Zuckerberg ayaa qoraal uu soo saaray ku sheegay inaanay suurtagal ahayn doodda ah in Facebook ay si ulac kac ah u bixisay macluumaad ka careysiin kara macaamiisheeda.
Frances Haugen oo horey uga tirsaneyd Shaqaalaha Facebook ayaa guddi ka tirsan Aqalka Senate-ka Mareykanka u sheegtay in bogaga iyo barnaamijyada Facebook ay waxyeelo u gaystaan carruurta, isla-markaana ay wiiqaan dimoqraadiydda.
Frances Haugen 37 jir ah ayaa maamulo ka ahayd qaybta wax soosaarka ee shirkadda Facebook, iyadoona guddigaasi la wadaagtay macluumaad dhaawici kara sumcadda Facebook.
Facebook ayaa lagu eedeeyay inay ku guuldareysteen inay ilaaliyaan xogaha dadka isticmaala, isla-markaana aanay samaynin wax ku filan oo lagaga hortaggi karo baahinta macluumaadka aan saxda ahayn.
Frances Haugen ayaa dhawaan Wargeyska The Wall Street Journal la wadaagtay dokumintiyo liddi ku ah bogaga Facebook.
Wargeyskan ayaa daabacay nuqul ka mida dokumintiyadaasi, oo sheegayay xog uruurin ay sameysay Instagram oo Facebook ay leedahay lagu ogaaday in App-kaasi uu dhaawici karo caafimaadka maskaxda gabdhaha.
Mark Zuckerberg, aasaasaha Facebook ayaa inta badan xogaha ay bixisay gabadhaasi ku tilmaamay wax aan macno sameynayn, isagoona xusay dadaaladooda ku aaddan ka hortagga waxyaabaha sumcadda ka dili kara shirkaddiisa, isla-markaana ay sameeyaan hufnaan iyo abuurista barnaamijyo cilmi baariseed oo horseedi kara arrimaha muhiimka ah.
Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com