Reer Koonfur Galbeed oo lagu wargeliyay in 15 cisho uga baxaan Ceerigaabo

Dadka ka soo jeeda deegaanada Koonfur Galbeed ee degan Magaalada Ceerigaabo ee Xarunta Gobolka Sanaag ayay Somaliland u qabatay in ay shan iyo toban cisho uga baxaan magaaladaasi.

Duqa Magaalada Ceerigaabo, Ismaaciil Xaaji Nuur ayaa sheegay in amarkani uu ka soo baxay Xukuumadda Somaliland, iyaguna ay yihiin amar qaatayaal oo keliya, ayna fuliyaan hadba wixii lagu amro.

“Dowladda iyadaa ina xukunta, inagu amar qaataanu nahay, hadba sidii nalagu amraanu fulinaynaa, oo ciidamaduna fulinayaan, anaguna ra’yigaynu waanu ka dhiibanay, wayna ina maqlayaan Wasiiradayna iyo Madaxweynuhuba. Waxaanu sugaynaa wa iyaga haddii sidii hore u deynayaan iyo haddii ay bedelayaanba.” Ayuu yiri Duqa Ceerigaabo.

Taliyaha Laanta Socdaalka Gobolka Sanaag, Siciid Cige Maxamed oo ka barbar hadlayay Duqa Ceerigaabo ayaa sheegay in dadka laga saarayo magaalada aanay ahayn reer Koonfur Galbeed oo keliya.

“Dhammaan waxaan Somaliland u dhalan waa laga saarayaa, waxaana loo qabtay muddo shan iyo toban cisho ah. Shan iyo tobankaa cisho anagu amarka qaranka waanu fulinaynaa, nin walba howl buu leeyahay, howshaa anigaa iska leh, amarkuna waa baxay.” Ayuu yiri Taliyuhu.

Taliyaha Qaybta Booliska Gobolka Sanaag, Saleebaan Ducaale Ubaxle ayaa dhankiisa sheegay inay amarka ku fulinayaan muddada loo qabtay dadkaasi inay uga baxaan magaalada.

“Shan iyo tobankaa cisho maalinta ay u gaarto, haddaan amar ka noqo ah aan la helin, waa lagu fulinayaa.” Ayuu yiri Ubaxle.

Toddobaadkan ayay ahayd markii dad ka soo jeeda deegaanada Koonfur Galbeed laga musaafuriyay Magaalada Laascaanood ee Xarunta Gobolka Sool.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com