Waan-waantii laga dhex waday Galmudug iyo Ahlu Sunna oo fashilmay

Waxaa guuldareystay dadaaladii Odayaasha Dhaqanka Gobolada Dhexe ugu kala dab qaadayeen Maamulka Galmudug iyo Hoggaanka Ahlu Sunna.

Odayaasha Dhaqanka ayaa u istaagay baajinta dagaal uu dhiig ku daato oo ka dhaca deegaanada Galmudug, ka dib markii Xoogaga Ahlu Sunna ay Jimcihii la wareegeen gacan ku haynta Magaalada Guriceel.

Ilo wareedyo ayaa sheegaya in Odayaasha Dhaqanka ay gacmaha ka taagteen waan-waantii ay labadaasi dhinac ka dhex wadeen.

Abaabul ka dhan ah Ahlu Sunna ayaa ka soconaya Magaalada Dhuusamareeb ee Xarunta Gobolka Galgaduud. Dowladda Federaalka ayaana maalmihii ugu dambeysay boqolaal askari diyaarado ku gaysay magaaladaasi.

Ahlu Sunna ayaa la soo sheegaya in dhufeyso waaweyn ay ka qodatay afaafka hore ee Magaalada Guriceel, iyada oo u muuqato mid dagaal u diyaargarowday.

Xoogaga Ahlu Sunna ayaa sidoo kale dhufeyso ka sameystay wadada xiriirisa Magaalooyinka Guriceel iyo Dhuusamareeb.

Wariye-yaasha ayaa soo sheegaya in tani ay baqdin ku keentay dadka ku dhaqan Magaalada Guriceel, inkastoo aanu magaaladaasi ka jirin barakac muuqdo, wayse jiraan qoysas tiro yar oo magaalada isaga barakacay.

Xiisadda ku soo korortay Galmudug ayaa imaanaysa, xilli dalka looga diyaargaroobayo qabashada wejiga labaad ee Doorashada Baarlamaanka Federaalka.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com