Xildhibaano ku dhaawacmay qarax ka dhacay Magaalada Jowhar

Laba ka mida Xildhibaanada Baarlamaanka Hirshabelle ayaa ku dhaawacmay qarax miino, oo saqdii dhexe ee xalay ka dhacay Magaalada Jowhar ee Xarunta Maamulka Hirshabelle.

Xildhibaanadan ayaa lala eegtay qaraxa, xilli ay dhex marayeen magaalada, iyagoo markaasi ka soo laabtay munaasabad lagu xusayay 5 sano guurada ka soo wareegatay aasaaska Maamulka Hirshabelle.

Wariye-yaasha ayaa soo sheegaya Xildhibaanadan oo lagu kala magacaabo Cabdiraxmaan Cabdi Iidow (Khayre) iyo Maxmed Cabdi Cali (Maxamed Dheere) in xaaladooda lagula tacaalayo Isbitaalka Guud ee Jowhar.

Xildhibaan Maxamed Cumar Soomane oo ka tirsan Baarlamaanka Hirshabelle ayaa sheegay in qaraxa uu ka dhacay inta u dhaxeyso Saldhigga Booliska iyo Xarunta Shirkadda Biyaha ee Farjano.

3-dii bishii hore ee September ayay ahayd markii saddex ka mid Xildhibaanada Baarlamaanka Hirshabelle ay ku dhaawacmeen bambo gacmeed lagu weeraray hoy ay kaga sugnaayeen Magaalada Jowhar.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com