Daraawiishta Galmudug oo la wareegay Kontoroolka Koonfurta Gaalkacyo

Ciidan gadoodsan oo ka tirsan Daraawiishta Galmudug ayaa saqdii dhexe ee caawa la wareegay kontoroolka laga soo galo Koonfurta Magaalada Gaalkacyo.

Wararka ayaa sheegaya in ciidamadan ay ka yimaadeen xerada tababarka ee Indha-qaris, oo qiyaastii 40km u jirta Magaalada Gaalkacyo.

Wararka ayaa intaa ku daraya in ciidamadu ka careysan yihiin tallaabada uu xilka isaga casilay Wasiirkii Amniga Galmudug, Axmed Macalin Fiqi. Wasiir Fiqi ayaana is casilaadiisa ku sababeeyay, ka dib markii Madaxweynaha Galmudug ay isku fahmi waayeen in wada hadal lagu xaliyo xiisadda maamulka kala dhaxeysa Ahlu Sunnada Gobolada Dhexe.

Wariye-yaasha ayaa soo sheegaya in Ciidamada Daraawiishta ay si nabadgelyo leh kula wareegeen Kontoroolka Koonfureed ee Gaalkacyo, wadadana ay xireen, iyagoona u diidaya inay adeegsadaan gaadiidka.

11-kii bishii April ayay ahayd markii Ciidamada Daraawiishta Galmudug ay la wareegeen gacan ku haynta kontoroolkan, xilligaa oo mushaar la’aan ay ka cabanayeen, xaaladda haatan taagan ayaana u muuqato mid taasi ka duwan.

Warbaahinta ayaa fahamsan in Fiqi uu lafdhabar u ahaa qorshaha ay Galmudug markii ugu horeysay ku yeelatay ciidamo Daraawiish ah, sanadkii 2020.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com