Ra’iisal Wasaare Rooble oo ku laabtay Magaalada Muqdisho

Ra’iisal Wasaaraha Somaliya, Maxamed Xuseen Rooble iyo wafdigiisii ku sugnaa Magaalada Doha ee dalka Qatar ayaa galabta dib ugu laabtay Magaalada Muqdisho.

Wafdiga Ra’iisal Wasaaraha ayaa Isniintii gaaray Magaalada Doha, halkaasoo ay kulamo kula duwan kula qaateen Amiirka Qatar, Ra’iisal Wasaaraha dalkaasi iyo qaar ka mida Golihiisa Wasiirada.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliya, Maxamed Cabdirisaaq Maxamuud (Abuubakar) oo Warbaahinta kula hadlay Magaalada Muqdisho ayaa sheegay in safarka Ra’iisal Wasaaraha ee dalkaasi uu daaran yahay xoojinta xiriirka iyo wax wada qabsiga labada dal, oo looga hadlay mashaariicda horumarineed ee Qatar ka waddo Somaliya iyo sidii Qatar ay u kaabi laheyd miisaaniyadda dhaqaalaha ku baxaya doorashooyinka dalka.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com