Wasiirkii Amniga Galmudug oo is casilay, sababo ku aaddan xiisadda Ahlu Sunna

Axmed Macalin Fiqi, Wasiirka Amniga Galmudug ayaa sheegay in warqaddiisa istiqaalada uu u gudbiyay Madaxweynaha Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye (Qoorqoor).

Wasiir Fiqi ayaa sababta ku sheegay in ay Madaxweynaha isku fahmi waayeen in wada hadal lagu xaliyo xiisadda Galmudug kala dhaxeysa Ahlu Sunnada Gobolada Dhexe, oo Jimcihii hore la wareegtay gacan ku haynta Magaalada Guriceel.

Fiqi ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebook waxaa uu ku sheegay in uu Madaxweynuhu doortay in dagaal lagu wajaho Ahlu Sunna, taasoo sida uu sheegay laga wanaagsanaa.

Fiqi ayaa tilmaamay in wada hadal uu yahay xalka keliya ay Galmudug kaga gudbi karo xaaladda maanta ka jirta deegaanka.

Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan oo ka mid ah Hoggaanka Ahlu Sunna ayaa Sabtidii sheegay in wada hadal uu yahay xalka ugu wanaagsan, dagaalkuna uu noqon doono kan ugu dambeeyo, ee ay qaadan doonaan.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com