Qoorqoor iyo Golihiisa Wasiirada oo ka arrinsaday xaaladda taagan

Madaxweynaha Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye (Qoorqoor) ayaa xalay shir guddoomiyay shirka Golaha Wasiirada, oo ka dhacay Xarunta Madaxtooyada Galmudug ee Magaalada Dhuusamareeb.

War ka soo baxay Madaxtooyada Galmudug ayaa lagu sheegay in shirka looga arrinsaday xaaladda guud ee amniga Galmudug iyo arrimaha doorashooyinka ee dalka, iyadoona laga soo saaray dhowr qodob.

Warka ayaa lagu yiri “Dood iyo fallanqayn dheer ka dib Golaha Wasiiradu waxay soo saareen qodobada soo socda.

  1. Golahu wuxuu go’aamiyay in la dardargeliyo sugidda amniga iyo xasilloonida Galmudug.
  2. Golahu wuxuu ugu baaqay kooxaha ku howlan falalka amni daro inay ka waantoobaan, damacoodana ay ku doonaan si nabad ah.
  3. Golahu wuxuu soo saaray in la dardargeliyo howlaha doorashooyinka, ayadoo loo gudbiyay dhinacyada ay khuseyso in ay gutaan waajibaadkooda.”

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com