Diyaaraddii siday dadkii laga daad-gureeyay Gaalkacyo oo ka degtay Baydhabo

21 qoys oo maanta uu Maamulka Koonfur Galbeed diyaarad kaga daad-gureeyay Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug ayaa galabta gaaray Magaalada Baydhabo ee Gobolka Baay.

Dadkan oo 78 qof ka koobnaa ayaa ka mid ahaa dadkii toddobaadkii hore ay Somaliland ka musaafurisay Magaalada Laascaanood ee Gobolka Sool.

Guddi Wasiiro ah oo Madaxtooyada Koonfur Galbeed u xilsaartay howlaha daad-gureynta ee dadkaasi ayaa Magaalada Gaalkacyo ka wada gurmadka dadkaasi dib loogu celinayo deegaanada Koonfur Galbeed.

Dadka gaaray Magaalada Baydhabo oo isugu jira carruur, ciroole iyo haween ayaa dib u dejin loogu sameeyay Xarunta ADC, oo ku dhow Xarunta Madaxtooyada Baydhabo.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com