Dr. Afrax waxaa lagu xusuusan doonnaa sheekadii caanka baxday ee Maana Faay

Ra’iisal Wasaaraha Somaliya, Maxamed Xuseen Rooble ayaa Ummadda Soomaaliyeed uga tacsiyeeyay geerida ku timid Dr. Maxamed Daahir Afrax, Gudoomiyihii Guddiga Dib-u-eegista Dastuurka, oo ku geeriyooday Magaalada London ee dalka Ingiriiska.

Ra’iisal Wasaare Rooble ayaa yiri “Waxaan qoyskiisa, asxaabtiisii iyo guud ahaan Ummadda Soomaaliyeed uga tacsiyeynayaa geerida Allaha u naxariistee Dr. Maxamed Daahir Afrax, Guddoomiyihii Akadeemiyad Goboleedka Afka iyo Guddiga Dib-u-eegista Dastuurka.

Marxuum Afrax waxa uu ahaa aqoonyahan iyo qoraa Soomaaliyeed ku xeel dheer afka iyo dhaqanka Soomaaliyeed, wax weyna ku biiriyay horumarinta dhaqanka iyo qoraalka Afkeenna hooyo.

Jannadii Firdows Allaha ka waraabiyo, ehelka iyo Ummadda Soomaaliyeedna samir iyo Iimaan Allaha ka siiyo.”

Dr. Maxamed Daahir Afrax ayaa lagu xusuustaa sheekadii caanka baxday ee Maana Faay, ee sida farshaxanka leh uu u qoray.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com