Duqa Muqdisho oo xarigga ka jaray wadada Isgoyska Baar Ubax iyo Warshadda Taraqa & Sigaarka

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar Filish) ayaa maanta xarigga ka jaray waddo laami ah oo isku xirta Isgoyska Baar Ubax iyo Warshadda Taraqa & Sigaarka ee Magaalada Muqdisho.

Wadadan ayaa muhiim u ah isku socodka gaadiidka iyo dadweynaha, waxaana dhismaheeda iska kaashaday Maamulka Gobolka Banaadir iyo shacabka Degmada Howlwadaag.

Gaadiideayda iyo dadka deegaanka ayaa soo dhoweeyay dib u dhiska lagu sameeyay wadadan, oo muddo dheer aan wax dayactir ahi lagu samayn.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com