Madaxweynaha Jubbaland oo la kulmay Taliyaha Ciidamada Mareykanka ee dalka

Madaxweynaha Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa maanta Xarunta Madaxtooyada Jubbaland ee Magaalada Kismaayo ku qaabilay Saraakiil uu horkacayay Taliyaha Hawlgalka Mareykanka ee Somaliya, Korneyl Thomas Sarrouf.

Qoraal ka soo baxay Madaxtooyada Jubbaland ayaa lagu sheegay in kulanka looga hadlay dardargelinta dagaalka ka dhanka ah maleeshiyada Al Shabaab iyo taageerada hawlgalka Mareykanka ee dalka.

Qoraalka ayaa lagu yiri “Madaxweynaha Dowladda Jubbaland, Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa Xarunta Madaxtooyada ku qaabilay Taliyaha Hawlgalka Maraykanka ee Somaliya, Korneyl Thomas Sarrouf iyo Saraakiil kale.

Kulanka ayaa lagaga hadlay sidii loo dardargelin lahaa dagaalka ka dhanka ah kooxda A Shabaab iyo taageerada hawlgalka Mareykanka ee Somaliya.”

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com