RW Rooble oo warbixin ka dhageystay Guddiyada Doorashooyinka

Ra’iisal Wasaaraha Somaliya, Maxamed Xuseen Rooble ayaa galabta xafiiskiisa ku qaabilay Guddiyada Doorashooyinka Heer Federaal iyo Gobolada Waqooyi.

Ra’iisal Wasaaraha ayaa labada guddi ka dhageystay warbixin la xiriirta halka ay marayaan howlaha u diyaargarowga Doorashada Xildhibaanada Golaha Shacabka ee Gobolada Waqooyi, sida lagu sheegay qoraal ka soo baxay Xafiiska Ra’iisal Wasaaraha.

“Ra’iisal Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Somaliya, Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa warbixin ka dhageystay Guddiyada Doorashooyinka Heer Federaal (FEIT) iyo Gobolada Woqooyi (SEIT), taas oo ku saabsan halka ay marayaan howlaha u diyaargarowga Doorashada Xildhibaanada Golaha Shacabka ku metelaya Somaliland.”

Kulanka ayaa waxaa goobjoog ka ahaa Gudoomiyaha Aqalka Sare, Cabdi Xaashi Cabdullaahi iyo Gudoomiyaha Maxkamadda Sare Dalka, Baashe Yuusuf Axmed.

Dowlad Goboleedyada iyo Gobolka Banaadir ayaa looga diyaargaroobayaa wejiga 2aad ee Doorashada Xildhibaanada Baarlamaanka Federaalka.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com