Sarkaalkan oo toban sano ka tirsanaa maleeshiyada Al Shabaab ayaa isu soo dhiibay Guutada 8aad, Qaybta 60aad ee Ciidanka Xoogga Dalka.
Ka dib markii uu go’aansaday inaanu ka sii mid ahaan mintidiinta Al Shabaab ayuu isu soo dhiibay Ciidanka Xoogga Dalka ee ka hawlgala Gobolka Shabellaha Hoose.
Aadan Shiniyow Ibraahim ayaa wareysi ku sheegay tobankii sano ee ugu dambeysay in uu ka tirsanaa Saraakiisha Jabhadaha Al Shabaab.
Waxaa uu sheegay in muddadaasi uu ka soo hawlgalay Gobolada Gedo, Baay, Bakool iyo Hiiraan, isla-markaana uu ka qayb qaatay dagaalo badan oo ka kala dhacay Gobolada Hiiraan iyo Gedo.
Wareysigan ayuu ku sheegay inuu si dhow ula soo shaqeeyay horjoogayaal Ururka Al Shabaab ka tirsan, sida Afhayeenka Guud ee Ururka, Cali Maxamuud Raage (Cali Dheere).
Shiniyow ayaa ka sheekeeyay dhacdooyin argagax leh oo Shabaabku u gaysteen dadka Soomaaliyeed, muddadii uu xubinta ka ahaa.
Shabaabka hubeysan ee dalka ka dagaalama ayaa ka biyo diidan jiritaanka Dowladda Federaalka iyo jooggitaanka AMISOM ee dalka, sidoo kale waxay dagaal kula jiraan Dowlad Goboleedyada Wadanka ka dhisan.




Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com