Korneyl Rufle “Gobolka Gedo waxaa dib loogu celiyay waqtigii adkaa”

Korneyl Aadan Axmed Xirsi (Aadan Rufle) oo ka tirsan Saraakiisha Ciidanka Xoogga Dalka ee Gobolka Gedo ayaa sheegay in gobolkaasi dib loogu celiyay waqtigii adkaa, ee uu ka soo gudbay.

Korneyl Aadan Rufle ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebook kaga waramay xaaladda haatan ka taagan gobolkaasi.

Qoraalkiisa ayaa u qornaa “Geedka cambaha ee ku yaala Degmada Doolow ee Gobolka Gedo, laga soo bilaabo 2011 illaa 2017 waxa uu ahaa xafiiska laga maamulo toddobada degmo ee Gobolka Gedo, macnaha Waa Xaruntii Maamulka Gobolka Gedo. Waxaa kale oo uu ahaa Xafiiska Iskuduwaha Dowladda Itoobiya u qaabilsan Gobolka Gedo.

Korneyl Cali Maxamed Aadan waxa uu ahaa ninkii TPLF uga wakiilka ahaa Gobolka Gedo, xaruntiisuna ay ahayd geedka cambaha 2011-2017, muddadaasi geedka cambaha waxaa laga soo maleygi jiray wixii dil, dhac, xarig, jirdil, kufsi iyo musaafurin ahaa ee ka dhacay Gobolka Gedo. Daba-yaaqadii sanadkii 2017 Degmooyinka Garbahaarey, Buurdhuubo iyo Baardheere baa amni ahaan iyo maamul ahaanba uga madaxbannaanaaday geedka cambaha, ka dib is bedelkii ka dhacay dalka Itoobiya iyo imaatinkii Abiy Ahmed. Tan iyo markii uu Abiy Ahmed yimid dadka reer Gedo waxay ka nasteen shirqooladii laga soo abaabuli jiray geedka cambaha, waxaana bilowday in degmo weliba la helo maamulkeeda oo madaxbannaan, wax u eg qaab dowli ah baa bilowday.

Maxaa xigay laga soo bilaabo bishii June 2021? Marka laga reebo Degmada Ceelwaaq oo Kenyanku haystaan, lixdii degmo ee kale xafiisyadoodii iyo kii gobolkaba waxaa loo soo raray geedka cambaha ee Degmada Doolow, waxaana dib ugu soo laabtay Wakiilkii TPLF ee Gobolka Gedo, haddana dadka loo sheegayo inuu yahay Wakiilka Dowladda Itoobiya, inkastoo aan hubo inaysan waxba ka ogayn Dowladda Itoobiya. Ninkan waxaa hadda la shaqeynaya Gudoomiyihii Gobolka Gedo, Axmed Buulle Gareed iyo Bakaal Kooke, oo horey ugu magacawnaa Taliyaha Ciidanka Xasilinta ee Gobolka Gedo. Maamulkii Degmooyinka iyo kan gobolka sidii 2011-2017 barnaamijkii halkaasaa loo rogay, dadkii shacabka ahaana niyad jab baa ku dhacay.

Bishii June iyo hadda inta ka dhaxeyso lixdaasi degmo ma jiro xafiis degmo oo shaqeeyo, maamul iyo bulsho isku xiran, waxaana ka jira Gobolada Gedo, Jubbada Hoose iyo Gobolka Waqooyi Bari Kenya abaaro halis ah, waad maqleyseen in Dowladda Kenya ay gurmad u fidineyso Gobolka Waqooyi Bari, Gedo waxaaba u sii dheer duqaymo, dadkii duqaymahaasi ka soo barakacay waxay dhooban yihiin Garbahaarey, Baardheere iyo Beled Xaawo.

29-kii bishii August Gudoomiyaha Gobolka Gedo waxa uu u safray Degmada Doolow, qaybta Itoobiya, isagoo ka wareegay Magaalada Garbahaarey, muddadaasi dib uguma soo laaban magaalada. Maalintii waxa uu ka hawlgalaa geedka cambaha, habeenkiina waxa uu u hoydaa Doolow Addow.

Xogta waxaan ku heleynaa in Axadda maanta uu Gudoomiyaha Gobolka Gedo ku wajahan yahay Degmada Luuq, maalin iyo laba uu jooggi doono, ka dibna uu uga sii gudbo Degmada Baardheere, isagoo aan wax xiriir ah la lahayn magaalo madaxda Gobolka Gedo ee Garbahaarey iyo dadkii joogay. Sidoo kale Madaxweyne Kuxigeenka Jubbaland, Maxamuud Sayid Aadan iyo Saraakiil Kenyan ah ayaa la fillaya inay taggaan Degmada Ceelwaaq, oo waxaa lagu wadaa saddex sano ka dib, in dib loo furo Garoonka Ceelwaaq. Haddaba maxaa iska khuseeya safarka Gudoomiye Gareed ee Luuq & Baardheere iyo safarka Madaxweyne Kuxigeenka Jubbaland ee Ceelwaaq?

Ugu dambayn dadka reer Gedo dal iyo dibadba, Dowladda Federaalka iyo Beesha Caalamkaba ha eegaan waxa ka socdo Gobolka Gedo.”

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com