Beledweyne goobaha lagu qabanayo Doorashada Golaha Shacabka (SAWIRRO)

Xubno ka tirsan Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka Heer Federaal, oo tan iyo Axaddii shalay ku sugan Magaalada Beledweyne ayaa maanta kormeeray goobaha loo asteeyay in lagu qabto Doorashada Xildhibaanada Golaha Shacabka.

Xubnahan oo uu hoggaaminayo Gudoomiye Kuxigeenka Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka Heer Federaal, Mowliid Mataan Salaad ayaa kormeeray Xarunta Maamulka Gobolka Hiiraan, Xerada Lama Galaay iyo Taliska Qaybta 4aad ee AMISOM.

Goobahan ayaa la qorsheeyay in lagu qabto Doorashada Golaha Shacabka, sida uu xaqiijiyay Guddiga Doorashooyinka.

Madaxweyne Kuxigeenka Hirshabelle, Yuusuf Axmed Hagar (Yuusuf Dabageed) oo maanta dib ugu laabtay Magaalada Beledweyne ayaa kulan la qaatay Xubnaha Guddiga Doorashooyinka.

Labada dhinac ayaa ka wada hadlay dardargelinta Doorashada Xildhibaanada Golaha Shacabka iyo adkeynta amniga magaalada.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com