Yuusuf Dabageed oo la kulmay Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka

Madaxweyne kuxigeenka dowlad goboleedka Hirshabelle, Yuusuf Axmed Hagar (Yuusuf Dabageed) oo maanta gaaray Baledweyne ayaa kulan la qaatay xubnaha Guddiga Doorashooyinka Heer Federaal ee shalay gaaray Xarunta Gobolka Hiiraan.

Madaxweynaha iyo xubnha Guddiga doorashooyinka Heer Federaal ayaa kawada hadalay Arrimaha doorashooyinka dalka waxana Guddiga Madaxweyne kuxigeenka Hir-Shabeelle ay ka codsaday inay kala Shaqeeyaan sidii loo dardar gelin lahaa doorashada Aqalka Hoose iyo adkeynta Amniga Magaalada Beledweyne ee Gobolka Hiiraan

Xubanaha Guddiga Guddiga doorashooyinka Heer Federaal ayaa sidokale inta ay halkaa ku suganyihin waxa ay kulama laqaadan doonaan Bulshada qaybaheed kala duwan.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com