Maamulka Degmada Gaalkacyo ee Galmudug ayaa milkiilayaasha hoteelada ku amray inaysan ogolaanin in hoteelada lagu qabto shirar aan fasax looga haysan Maamulka Degmada.
Qoraal uu ku saxiixnaa Gudoomiyaha Degmada Gaalkacyo ee qaybta Galmudug, Cabdiraxmaan Sheekh Xasan ayaa lagu sheegay in tallaabadani ay qayb ka tahay dadaalada lagu xaqiijinayo amniga magaalada.
Qoraalka ayaa u qornaa “Dhammaan milkiilayaasha ama maamulayaasha hoteelada iyo xarumaha shirarka ee ku yaala Degmada Gaalkacyo waxaa la farayaa in aysan ogolaanin in wax shir ama siminaar ah lagu qabto hoteeladooda ama xarumahooda, ayadoo aan la wadan warqadda rusqada shirarka, ee ay bixinayso Maamulka Degmada Gaalkacyo.”
“Sidoo kale waxaa la farayaa qof kasta ama urur kasta oo qabsanaya shirarka in uu waraaqda ruqsada soo weydiisto Maamulka Degmada Gaalkacyo. Arrintani waxay qayb ka tahay sugidda amniga ee Degmada Gaalkacyo, waxaana masuuliyad iska saari doonnaa inaan xaqiijino amniga bulshada ku nool Degmada Gaalkacyo.”

Awaamiirtan ayaa imaanaysa, xilli Magaalooyinka Gaalkacyo iyo Dhuusamareeb lagu wado in lagu doorto Xildhibaanada Galmudug ku metelaya Golaha Shacabka.
Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com