Go’aanka Maxkamadda Cadaaladda Caalamiga oo maanta la suggayo

Maxkamadda Cadaaladda Caalamiga ayaa maanta lagu wadaa inay shaaciso go’aankeeda ku aaddan dacwadda badda Somaliya, ee ay Kenya muranka gelisay.

Tan iyo sanadkii 2014 oo uu soo jiitamayay kiiska dacwadda badda ayaa go’aanka maxkamadda ee maanta uu noqon doonnaa mid lagu kala baxo, oo dhinac-na loo xukmiyo.

Axaddii waxaa Magaalada The Hague ee dalka Netherlands gaaray wafdi uu hoggaaminayo Ra’iisal Wasaare Kuxigeenka Somaliya, Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar), si ay goobjoog uga noqdaan xukunka maxkamadda.

Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka, Suleymaan Maxamed Maxamuud oo ka mid ah wafdiga Ra’iisal Wasaare Kuxigeenka Dalka ayaa bartiisa Twitter-ka ku sheegay “Waxaan ku niyad-sanahay in àan guuleysanayno, haddii Alle idmo.”

Kenya waxay dhankeeda Jimcihii sheegtay inaanay u hoggaansami doonin go’aanka ka soo baxa Maxkamadda Cadaaladda Adduunka, waana xilli aanay ka qaybgelin dhageysiga fadhigii ugu dambeeyay ee maxkamadda, oo dhacay bartamihii bishii March ee sanadkan.

Xukunada ay riddo Maxkamadda Cadaaladda Caalamiga ayaan laga qaadan karin wax rafcaan ah.

Ummadda Soomaaliyeed, dal iyo dibadba waxay u dheg taagaysaa go’aanka kama dambeysta ah ee maanta ka soo bixi doona Maxkamadda Cadaaladda Adduunka.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com