Madaxweyne Farmaajo oo khudbad toos ah u jeedinaya shacabka Soomaaliyeed

Madaxtooyada Qaranka ayaa goor dhow shaacisay in Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu shacabka Soomaaliyeed u jeedinayo khudbad la xiriirta xukunka Maxkamadda Cadaaladda Caalamiga.

“Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Somaliya, Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa shacabka Soomaaliyeed u jeedinaya khudbad ku saabsan Xukunka Maxkamada ICJ ee Kiiska Baddeenna, isaga oo la wadaagaya Shacabka halgankii loo soo maray kiiskan, caqabadihii ku xeernaa iyo aragtida daris wanaagga ku dhisan ee labada shacab ee Somaliya iyo Kenya.” Ayaa lagu yiri war ka soo baxay Villa Somalia.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com