Maxkamadda Cadaaladda Caalamiga oo shaacisay xukunkeeda dacwadda badda

Maxkamadda Cadaaladda Caalamiga ayaa gelinkii dambe ee maanta soo saartay go’aankeeda ku aaddan dacwadda badda ee Somaliya kala dhaxeysa Kenya.

Labada dal ayaa ku muransanaa cidda iska leh lahaanshiyaha dhul badeed baaxaadiisa ay dhan tahay boqol kun oo kiilo mitir oo isku wareeg ah, kuna yaala Badweynta Hindiya.

Ugu horayn Madaxweynaha Maxkamadda Cadaaladda Caalamiga, haweeneyda lagu magacaabo Joan Donoghue ayaa goobta ka akhrisay warbixin la xiriirta heerarkii uu soo maray muranka badda ee labada dal.

Go’aanka maxkamadda ayaa noqday inaanu marka hore jirin heshiis dhex maray labada dhinac, oo ay horey uga gaareen khilaafkooda.

Maxkamadda waxay sheegtay xuduudda halka ay tahay inay raacsan tahay xariiqinta dhulka, wa xoogaana uu ka yara dadban yahay sida ay Somaliya dooneysay in loogu xukumo.

Maxkamaddu waxay diiday sheegashada Kenya ee ah xariiqinta xuduudda. Goobta lagu muransanaa waxaa inteeda badan loo xukumay Somaliya, qayb yarna ay gashay dhanka Kenya.

Garsoorka Maxkamadda ayaa soo bandhigay sawir muujinaya qayb badda ah inay gudaha ugu jirto Kenya, dhanka kalena ay tahay Somaliya.

Shawqi Axmed Xayir oo cilmiga siyaasadda ka dhigga jaamacad ku taala dalka Netherlands ayaa go’aanka Maxkamadda ICJ ku tilmaamay guul u soo hooyatay Somaliya, inkastoo sida uu sheegay aan badda loo cabirin sidii ay Somaliya dooneysay, Kenya-na wa-xoogaa loo reebay.

Go’aankan ayaa noqonaya mid aan wax rafcaan ahi lahayn. Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobey ayaana dabagal ku samayn doono, ciddii uu ka fuli waayo dhaqangalkeeda.

Xukunka maxkamadda ayaa go’aamiyay cidda xaqa u leh ka faa’iideysiga keydka iyo gaaska dhex ceegaaga gunta hoose ee badda.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com