Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka oo gaaray Dhuusamareeb (SAWIRRO)

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka, General Odawaa Yuusuf Raage ayaa gelinkii dambe ee maanta gaaray Magaalada Dhuusamareeb ee Xarunta Gobolka Galgaduud.

Taliyaha ayaa waxaa magaalada ku soo dhaweeyay Saraakiil ka tirsan Taliska Qaybta 21aad ee Ciidanka Xoogga Dalka.

Taliyaha ayaa Magaalada Dhuusamareeb kulan kula leh Madaxweynaha Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye (Qoorqoor) iyo Talisyada kala duwan ee Ciidamada Qalabka Sida.

Galmudug waxaa ka taagan xiisad maamulka kala dhaxeysa Hoggaanka Ahlu Sunnada Gobolada Dhexe, ka dib markii Xoogaga Ahlu Sunna ay 1-dii bishan la wareegeen gacan ku haynta Magaalada Guriceeel.

Ma cadda in Galmudug ay dib u soo cusbooneysiin doonto qorshaheedii lagu weerari lahaa Magaalada Guriceel iyo in kale.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com