Guudlaawe “Doorashada Golaha Shacabka si daahfuran ayaan u qabanaynaa”

Madaxweynaha Hirshabelle, Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe) iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta soo gaaray Magaalada Muqdisho.

Wafdiga Madaxweynaha oo ka ambabaxay Garoonka Maxamed Dheere ee Magaalada Jowhar ayaa si diiran loogu soo dhaweeyay Garoonka Diyaaradaha ee Aadan Cadde.

Wasiirka Amniga Gudaha, Wasiir Kuxigeenka Wasaaradda Gaashaandhigga, Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Cadaaladda, Xildhibaano, Siyaasiyiin iyo qaybaha bulshada ayaa wafdiga Madaxweynaha Hirshabelle ku soo dhaweeyay Garoonka Aadan Cadde.

Madaxweyne Guudlaawe oo Warbaahinta kula hadlay qaybta nasashada ee Garoonka Aadan Cadde ayaa ka mahadceliyay soo dhaweynta diiran ee wafdigiisa.

Madaxweynaha ayaa sheegaya inay haatan Magaalada Muqdisho u yimaadeen wejiga labaad ee Doorashada Baarlamaanka Federaalka, haddii ay si wanaagsan ugu soo geba-gabowday Doorashada Senatorada Aqalka Sare.

“Waxaan ballanqaadaynaa, haddii Ilaahay raali ka noqdo Doorashada Golaha Shacabka si cadaalad ah oo qof weliba ay ku qanceyso oo daahfuran inay doorashadeeda u dhici doonto. Ilaahayna waxaan ka baryaynaa in si nabadgelyo ah ay noogu soo dhammaato, sida Aqalka Sare uu wanaagga noogu soo dhammaaday.” Ayuu yiri Madaxweynaha Hirshabelle.

Madaxweynaha ayaa yiri “Howlo shaqaa u nimid, guud ahaana waan is arki doonnaa, runtiina aad baan ugu faraxsanahay soo dhaweynta aadka u qiimaha badan.”

Inkastoo musuq maasuq uu hareeyay Doorashada Senaorada Aqalka Sare, haddana middii ka qabsoomtay Magaalada Jowhar waxaa loo arkayay mid daahfuran, iyadoona taasi ay Hirshabelle ammaan kaga muteysatay bulshada iyo Warbaahintaba.

May be an image of 3 people, people standing, footwear, suit and text that says 'AIRL'
May be an image of 5 people and people standing
May be an image of one or more people
May be an image of 12 people, people standing and suit
May be an image of 10 people, people standing and suit
May be an image of 9 people and people standing
May be an image of 13 people, people standing, suit and text that says 'FOD'
May be an image of 7 people and people standing
May be an image of 4 people and people standing
May be an image of 8 people and people standing
May be an image of 10 people and people standing
May be an image of 5 people, people standing, headscarf and outdoors
May be an image of 9 people and people standing
May be an image of 10 people and people standing
May be an image of 7 people, people standing and suit
May be an image of 6 people, people standing and suit
May be an image of 11 people and people standing
May be an image of 6 people and people standing
May be an image of 8 people, people standing and suit
May be an image of one or more people and people standing
May be an image of 11 people and people standing
May be an image of 10 people and people standing
May be an image of 5 people, people sitting and indoor
May be an image of 2 people, people sitting, suit and indoor
May be an image of 1 person and sitting

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com