Mahdi Guuleed oo ammaanay khubaradii ka qaybqaatay difaaca badda

Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar), Ra’iisal Wasaare Kuxigeenka Dalka ayaa ammaanay qaranadii iyo khubaradii gacanta weyn ka gaystay difaaca baddeenna.

“Sharaf iyo farxad ayay noo ahayd aniga iyo wafdigayga inaan goobjoog ka noqono ku dhawaaqista go’aankii Maxkamadda Caddaaladda Adduunka ee dacwadda baddeenna, taas oo guushu nagu raacday.” Ayuu yiri Ra’iisal Wasaare Kuxigeenka.

Mahdi Guuleed ayaa yiri “Waxaan mahad iyo ammaan u jeedinayaa qareenadii iyo khubaradii qaybta weyn ku lahaa difaaca baddeenna, Madaxda Qaranka oo u dhabar adeegay in guushan la gaaro, shacabka Soomaaliyeed ee taageerada iyo ducada nagala garab joogay iyo cid kasta oo kaalin ku lahayd in aan xaqiijino guushan aan xaqeena ku soo dhacsanay.”

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com