Ciidamada Dowladda oo duulaan ku ah Magaalada Guriceel

Ciidamada Dowladda oo gacan ka helaya kuwa Galmudug ayaa dhowr jiho kaga sii siqaaya Magaalada Guriceel ee Gobolka Galgaduud.

Boqolaal askari oo ka tagay Magaalada Dhuusamareeb ayaa maalin ka hor gaaray deegaanka Ceeldheere, oo ku yaala waddada xiriirisa Dhuusamareeb iyo Guriceel, iyadoona Xoogaga Ahlu Sunna la soo sheegayo in qaybtood ay aaggaasi ka ag-dhow yihiin.

Wararka ayaa sheegaya in Xoogagii Ahlu Sunna ee 1-dii bishan la wareegay Magaalada Guriceel ay dhufeysyo waaweyn kaga jiraan bannaanada magaaladaasi.

Ciidamada ku sii jeeda Guriceel ayaa isugu jira Kumaandooska Gorgor, Guutada 15aad ee Qaybta 21aad ee Ciidanka Xoogga Dalka iyo Nabad Sugidda Galmudug.

Tani ayaa baqdin ku keentay dadka degan Magaalada Guriceel, kuwaa oo qaarkood saaka bilaabay inay isaga barakacaan guryahooda.

Odayaasha Dhaqanka ayaa shalay ku baaqay in Ahlu Sunna ay isaga baxdo Magaalada Guriceel, iyagoo sheegay inaanay doonayn in magaalada lagu dagaalamo.

Wada hadalada maalmihii ugu dambeysay laga dhex waday Maamulka Galmudug iyo Hoggaanka Ahlu Sunnada Gobolada Dhexe ayaa u muuqdo kuwo guuldareystay.

Gelinkii dambe ee Talaadadii ayay ahayd, markii Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka, General Odawaa Yuusuf Raage uu gaaray Magaalada Dhuusamareeb. Taliyaha ayaa kulan saacado qaatay Xarunta Madaxtooyada Galmudug kula yeeshay Madaxweynaha Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye (Qoorqoor), Taliye-yaasha Ciidamada Dowladda iyo kuwa Galmudug.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com