Dilka Xildhibaan David Amess oo baqdin ku keenay Soomaalida Ingiriiska

Waxaa sii kordhaysa baqdinta la soo deristay Soomaalida ku dhaqan dalka Ingiriiska, ka dib markii Warbaahinta dalkaasi ay baahisay in ninka dilay Xildhibaan Sir David Amess uu yahay muwaadin British ah, balse loo maleynayo in asalkiisu yahay Soomaali.

Xildhibaan Sir David Almess oo ka tirsanaa Baarlamaanka dalkaasi, xubin-na ka ahaa xisbiga talada haya ee Conservative-ka ayaa galabnimadii Jimcaha lagu weeraray kaniisad ku taala deegaanka laga soo doortay ee Leigh-on-Sea ee Gobolka Essex, xilli uu shir kula lahaa qaar ka mida dadka deegaanka laga soo doorto.

Xildhibaanka ayaa la sheegay in goobtaasi uu ugu geeriyooday dhowr jeer oo tooreyda lagaga dhuftay qaybo ka mida jirkiisa.

Ninka wax dilay oo 25 jir lagu sheegay ayaa haatan ku xiran saldhig ku yaala Gobolka Essex, Booliska ayaana falkaasi ku sheegay mid argagixiso.

Ciidamada Booliska ayaa weli hawlgalo ka wada qaybo ka mida dalkaasi, sida goobo ka mida Magaalada London oo la arkay iyagoo hawlgalo ka sameynaya.

Booliska ayaan weli shaacin magac iyo muuqaalada ninka la tuhunsan yahay, sababo ku aaddan baaritaanka oo weli socda.

Waxa ay ka baqayaan Soomaalida ayaa ah in loo dhibaateeyo falka ninkaasi uu gaystay, bacdamaa la tuhunsan yahay inuu Soomaali yahay, haddii la xaqiijiyana ay baqdinta ku sii kordhi karto.

Sir David Amess oo 69 jir ahaa ayaa muddo 38 sano ah ku jiray Baarlamaanka dalkaasi.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com